TPLF oosiidaysay 1,000 askari

1496

Hoggaamiyaha Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo sii daayey sii daayay ku dhowaad 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee lagu qabtay dagaaladii u dambeeyay.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo labada dhinacba ay u diyaar garoobeen iska horimaad ka dhaca dhulka lagu muransan yahay ee galbeedka gobolka, kaasi oo ay isku hayaan Amxaarada.

Debretsion Gebremichael, oo ah hogaamiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Dadweynaha ee Tigrayga (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo kula hadlay taleefoonka dhanka satellite-ka goor dambe oo Jimcihii shalay aheyd inay sii daayeen 1,000 askari oo darajooyin hoose ah, oo ka mid ah 6,000 oo dagaalka ku qabteen.

“In ka badan 5,000 oo askari ayaa weli ku jira gacanteena, waxaana sii hayn doonaa saraakiisha sare kuwaas oo wajihi doono maxkamad,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael.

Hoggaamiye Debretsion ayaa sheegay in ciidamada lasii daayey la geeyey dhanka xuduuda koonfureed oo ay Tigray la wadaagto gobolka Amxaarada maalintii Jimcaha, laakiin ma uusan sheegin cidda lagu wareejiyey iyo cidda ay kala hadleen sii deyntooda, inkastoo ay Reuters sheegtay in aysan si madax banaan u xaqiijin karin sheegashadiisa.

Afhayeen u hadlay militariga Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in uusan hadda ka hadlin karin arrintaan, balse afhayeenka maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in uusan wax war ah ka hayn sii deynta askartan.