Trump oo dhaqaalihii ka joojiyey WHO

1744

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisa hakinayo dhaqaalaha la siinayo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Waxa uu sheegay in WHO ay ku guuldareysatay waajibaadkeeda aasaasiga ahi” marka la eego jawaabta ay ka bixisay faafitaanka cudurka coronavirus.

Mareykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo hay’addani WHO, waxa uuna sanadkii la soo dhaafay siiyay 400 oo milyan oo doolar – oo u dhiganta in ka yar 15% miisaaniyadda guud ee hay’addani.

Madaxweynuhu waxa uu ku eedeeyay hay’addani Qaramada Midoobey inay si xun u maaraysay isla markaana qarisay faafitaanka fayraska dhaliya cudurkani ka dib markii cudurkani uu ka dillaacay dalka Shiinaha, wuxuuna sheegay in ay khasab tahay in lala xisaabtamo.

Trump ayaa horay hay’addaasi caafimaadka adduunka ee WHO ku eedeeyay inay u xaglinayso Shiinaha.

Agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo iska difaacayey dhowaan eedeynta Trump, ayaa ku baaqay midnimo iyo hakinta siyaasadeynta xasaraddan caafimaad ee caalamiga ah, isaga oo si gaar ah ugu booriyey Shiinaha iyo Mareykanka inay muujiyaan hoggaan daacadnimo ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo ka jawaabayay hadalka Trump ayaa sheegay in hadda aysan ahayn “wakhtigii dhaqaalaha laga jari lahaa hay’addaasi WHO.

Madaxweyne Trump ayaa shakhsiyan gudaha dalkiisa lagu dhaliilay sida uu u maareeyay faafitaanka cudurkani, waxayna u muuqataa in culeyska arrintaas ka dhashay uu isna dusha saarayo WHO sida ay aaminsan dadka wax falanqeeya.