Trump oo Dokumentiyo sir ah kala baxsaday aqalka cad

1123

Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Kaydinta Xogaha Madaxtooyada ayaa ka codsatay waaxda caddaaladda inay baaritaan ku sameeyaan Donald Trump sidii uu u maamulay waraaqihii rasmiga ahaa ee dawladda.

Madaxweynayaasha Mareykanka waxaa looga baahan yahay sharciga inay ku wareejiyaan dhammaan warqadahooda, dukumeentiyadooda shaqo iyo iimaylkooda ku aaddan Keydka Qaranka.

Balse saraakiisha hayaddan ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu si sharci darro ah u jeexjeexay dukumentiyo badan oo muhiim ahaa, kuwo kalena uu la baxsaday.

Waxa kale oo soo baxday in 15 sanduuq oo waraaqo ah oo ay ahayd in Mr Trump uu wareejiyo markii uu ka baxay Aqalka Cad la geeyay gurigiisa oo ku yaalla Florida.

Waxaa ka mid ah warqado u dhexeeyay Mr Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo warqadii xil wareejinta ee madaxweyne Barack Obama.

Mr Trump waxa ay isku dhaceen kaydka qaranka wakhti hore. Waxa uu ku guuldareystay inuu dacweeyo si uu uga hortago in ay wax caddaymo ku wareejiyaan guddiga Congress-ka ee baarayay rabshadihii 6-dii Janaayo ee US Capitol.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN