Trump oo kanaxay doorashada hoggaaminta u sareysa ee Iran

100

 

Donald Trump, madaxweynaha United States, ayaa sheegay “inuusan ku faraxsanayn” magacaabista Mojtaba Khamenei inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya ee Iran, sida lagu sheegay war uu baahiyay telefishinka Fox News.

Weriyaha barnaamijka Fox News, Brian Kilmeade, ayaa sheegay inuu si toos ah ula hadlay Trump wax yar kaddib markii la shaaciyay magacaabista Mojtaba Khamenei. Kilmeade ayaa sheegay in marka uu weydiiyay aragtida madaxweynaha ee arrintaas, Trump uu si kooban ugu jawaabay: “Ku ma faraxsani.”

Kilmeade ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa kale oo ay ka wada hadleen ama sababta dhabta ah ee Trump uga soo horjeedo magacaabistaas. Sidoo kale, Aqalka Cad ama Trump laftiisa weli si rasmi ah ugama aysan hadlin arrintan bayaan ama qoraal rasmi ah.

Magacaabista Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka hoggaamiyihii sare ee hore ee Iran Ali Khamenei, ayaa dhalisay falcelin iyo dood siyaasadeed gudaha Iran iyo caalamkaba. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in magacaabistaasi ay muujinayso sii socoshada saameynta qoyska Khamenei ee hoggaanka dalka, halka kuwo kalena ay ka digayaan inay sii kordhin karto xiisadda u dhexeysa Iran iyo reer galbeedka.

Xiriirka u dhexeeya Washington iyo Tehran ayaa horeyba u ahaa mid aad u kacsan, gaar ahaan tan iyo markii Trump uu xilka hayay markii ugu horreysay, markaas oo uu Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran. Haddaba falcelinta Trump ee magacaabista Mojtaba Khamenei ayaa loo arkaa mid muujinaysa walaaca Maraykanka ee jihada siyaasadeed ee Iran mustaqbalka.