Trump oo ku dhowaaqay madaxweyne ku-xigeenkiisa

152

Markii uu James David Vance, u soo galay hoolka shirarka ee xisbiga Jamhuuriga si uu u aqbalo magacaabista madaxweyne ku xigeenka xisbiga isniintii, waxaa uu gacan qaaday Trump.

Ergada Shirweynaha Qaranka ee Jamhuuriga ayaa si rasmi ah u doortay Mr Vance, Isniintii ka dib markii Trump uu ku shaaciyay bartiisa bulshada in uu doortay ka dib “talo-gal dheer iyo fikir”, uu noqon doono madaxweyne ku xigeenkiisa, haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan.

Laakiin senetarka laga soo doorto Ohio, ayaa mar ka mid ahaa dadka aadka u dhaliila Trump isagoo saaxiibkisa cusub ee hadda horrey ugu yeeray “Hitler-ka Mareykanka”, balse markaas ka dib wuxuu noqday taageero aad u adag.

Doorashadii xilliga dhexe ee 2022, wuxuu ku guuleystey kursi ka mid ah senate-ka Mareykanka isagoo taageeray Trump, markii ugu horreysay oo loo doorto xafiis dadweyne.

Vance, ayaa ku dhaleeceyey Dimuqraadiyiinta inay ka been sheegeen qorsha caafimaadka isagoo madaxweyne Biden ku dhaliilay inuusan ku abaalmarin codbixiyaasha doorkaas.

 

Mr Vance ayaa intaa ku daray in uu Trump ka sheegay waxyaabo xun balse ay muhiim tahay in la qirto in uu qaldanaa.

Trump ayaa qoraal la soo dhigay bartiisa bulsho ee Truth ku sheegay. “Madaxweyne ku xigeenka J.D waxa uu sii wadi doonaa inuu u dagaalo dastuurkeena, wuxuuna garab istaagi doonaa ciidamadeena, wuxuuna sameyn doonaa wax walba oo uu ku caawin karo in aan mar kale midowno”

tallaabadan ayaa timi laba maalmood ka dib markii Trump uu ka badbaaday isku daygii dil oo ka dhacay goob uu khubad ka jeedinayey oo ku taalla Pennsylvania.

Markaas ka dib, Mr Vance ayaa bartiisa X ee hore loo oran jiray twitter ku soo qoray in xisbiga Dimuqraadiga ay “si toos ah u horseedeen isku daygii dilka ee madaxweyne Trump”.

JD Vance, ayaa kaalin muuqata ku yeeshay ololaha weyn ee Trump ee halku dhigiisu yahay ‘Markale Amarika ka dhig mid weyn’ isagoo si weyn uga soo muuqday munaasabadaha ololaha Trump, wuxuuna u safray magaalada New York si uu uga qayb galo dacwaddihii khiyaanada ee oo haystay Trump.

Mr Vance iyo Trump ayaa wajihi doona musharaxiinta Dimuqraadiga, Joe Biden iyo Kamala Harris, doorashada guud ee Maraykanaka ee dhacay shanta November ee sanadkan.

Hadalo kooban oo uu siiyay saxafiyiinta isniintii, Mr Biden waxa uu dhaleeceeyay Vance, isagoo ku tilmaamay “Qof an dhab ahayn oo ka hadla arrimaha Trump”.

 

Ololaha Biden ayaa shegay in sababta uu Trump ku xigeen uga dhigtay Vance ay tahay inuu samayn doono wax ku xigeenkiisi hore Mike Pence uu iska diiday taas oo ah in inuu dhabarka saarto qorshaha MAGA.

Mr Vance waa maalqabeen wax ku bartay Yale, waana qoraa filimkii ugu iibinta badnaa ee xusuusta ahaa ee Hillbilly Elegy.

Waa kum JD Vance?

James David Vance, waxaa ku dhashay magaalada Middletown, ee gobolka Ohio, dalka Maraykanka sanadkii 1984-tii. Waalidkii waxay asal ahan ka soo jeedaan Scotland.

Isagoo arday ah oo dhigta dugsiga sare Vance, aabihis iyo hooyadiis ayaa kala tagay. Markaas ka dib hooyadiis ayaa magacisa dhexe ugu badashay David.

Hooyadiis ayaa sanado badan ku dhibatooday isticmaalka daroogada iyo khamriga, taas oo keentay in isaga ay soo koriyeen awoowayaashii.

Markii uu ka qalin jabiyay Dugsiga Sare ee Middletown sanadkii 2003, Vance waxa uu iska diiwaan galiyay Ciidanka Badda ee Maraykanka.

Intuu uu ku jiray ciidamada badda ee Marines-ka waxaa uu ku jiray ciidamo loo diray Ciraaq si uu uga qayb qaato dagaalkii Ciraaq.

Vance, waxa uu ka dib galay Jaamacadda Ohio State University, halkaas oo uu ku qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda iyo falsafada 2009-kii .Wuxuu sanadkii 2013-kii sidoo kale shahaado sharciga ka qaatay Yale Law Schoolk. Ka dibna waxa uu u shaqeeyay shirkad sharci oo caalami ah.

2016 Vance wuxuu daabacay Hillbilly Elegy oo ahaa Xusuus-qorka uu kaga hadlay Qoyskiisa, dhibaatooyinkii uu so maray iyo waaya-aragnimadiisa ku soo koray Middletow.

Isla sanadaas Vance, waxaa uu ku laabtay Ohio isagoo ka tagay California, wuxuuna halkaas ka asaasay Ururka Cusboonaysiinta Ohio, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo ujeedadeedu tahay in ay caawiso carruurta danyarta ah oo ay wax ka qabato dhibaatooyinka sida qabatinka daroogada iyo kaniinada opioid ka.. Vance wuxuu kaloo bilaabay shirkad maalgashi oo fadhigeedu yahay Cincinnati.

JD Vance, waxaa uu isku dayey inuu u tartamo kursiga Senate ee Ohio sanadkii sanadkii 2018-kii bale uma qabsoomin.

Bishii Luulyo 2021, Vance wuxuu si rasmi ah u galay tartanka kurisga Seante, waxay ahayd ololihiisii ugu horreeyay ee xafiiska dadweynaha.

Bishi Maar 2022-kii ayuu ku guulaystay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Jamhuuriga isagoo ka adkaaday magacyo caan ka ahaa siyaasadda gobolka, doorashadii guud ee dhacady Nofember, Vance wuxuu kaga adkaaday doorashadii dhacdy musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Tim Ryan isagoo helay 53% codadka halka Ryan uu helay 47%.

Ninkan 39 sano jirka ah ayaa hadda mar kale sameeyey sare u kac siyaasaddeed oo xoog leh ka dib doorashada xisbigisa iyo magacabista Trump ee ah inuu ku xigeen u noqday Trump oo la galayo doorashada sanadkan ka dhacaysa Maraykanka.