Trump oo laga baaray Caronavirus

1766

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa lagu sameeyay baaritaano ku aadan cudurka Caronavirus, kadib markii dad uu dhawaan la kulmay dad laga helay Caabuqa Caronavirus.

Dhakhtarka gaarka ah ee Aqalka Cad, Sean Conley, ayaa sheegay in Madaxweynaha Jimcihii baaritaan lagu sameeyay ,waxa uuna sheegay baaritaanka oo Sabtidii la helay natiijadiisa muujisay in Madaxweynaha laga waayay Caabuqa Caronavirus.

“Usbuuc ka dib markii madaxweynuhu uu la casheeyay wafuud ka socotay dalka Brazil ayaa haatan waxaa caddaatay in uusan qabin cudurkaasi,” ayuu yiri dhaqtarka gaarka ah ee Aqalka Cad Conley.

Shakiga ku aadan in Madaxweyne Trump soo gaaray Cudurka Caronavirus ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsanaa wafuud ka socotay dalka Brazil oo dhammaadkii usbuucii hore uu Flodrida kula kulmay laga helay cudurkaasi.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horey u diiday in karaantiil lagu sameeyo, waxa uuna sheegay in uu caafimaad qabo sidoo kale uusan isku arkin calaamadaha lagu garyo cudurkaasi.