
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka degay Israa’iil iyadoo Qaza ay ka bilaabatay siideynta maxaabiista Israa’iil.
Diyaradda siday Trump ayaa haatan ka degtay garoonka Ben Gurion, oo ku taala duleedka magaalada Talabiib, wuxuuna si kooban socdaal ugu tegay dalkaas.
Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa isku gacan qaaday, soo dhoweeynta Trump.
Waxaa uu halkaas kula kulmay mas’uuliyiin uu kamid yahay, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkof, Jared Kushner oo uu Trump sodog u yahay and gabadha uu Trump dhalay, Ivank trump.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald ayaa intii uu ku guda jiray safarka Israa’iil, waxaa uu ka jawaabay su’aal laga weydiiyay Qaza.
Waxaa la weydiiyay inuu tegayo Qaza, wuxuuna ku jawaabay “waan jeclaan lahaa” in aan tego Qaza.
Waxaa uu uga sii gudbi doonaa magaalada sharma sheikh ee dalka Masar oo lagu wado in lagu saxiixo manta heshiiska uu isagu ka soo shaqeeyey ee lagu soo afjaray dagaalkii labada sano ka socday Gaza
 
 
 
 
		



















