TRUMP oo lasheegay in uu aqoonsanayo Somaliland

68

Xoghayihii hore ee difaaca ee Boqortooyada UK, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi oo laga soo doorto koonfurta Straffordshire, Sir Gavin Williamson ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan aqoonsiga Somaliland.

 

Ninkan oo si weyn ugu u ololeeyo inay ictiraaf hesho Somaliland ayaa hadda ka dhawaajiyay in madaxweynaha dib loo doortay ee Mareykanka Donald Trump uu aqoonsi siinayo maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

 

Gavin Williamson ayaa shaaca ka qaada in Trump uu dhowaan wadahadallo la yeesheen kooxdiisa, ayna isla soo qaadeen aqoonsiga Somaliland, isaga oo intaas ku daray inay arrintan noqon doonto tallaabo muhiim ah oo siyaasadeed oo ay qaadeen kooxdiisa.

 

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu si weyn ugu kalsoonyahay Donald Trump, isla markaana arrintan uu sameyn doono marka uu xafiiska la wareego bishaJanaury ee sanadka 2025-ka.

 

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay leedahay muhiimad Geostrategic, gaar ahaan marka loo eego badda Cas, ayna mudan tahay in laga faa’iideysto.

 

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan Somaliland ay ka dhacday doorasho la boggaadiyay oo uu kusoo baxay Cabdiraxmaan Cirro waxaana soo dhaweeyay Mareykanka.

 

Sooyaalka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Somaliland iyo xil wareejinta sida nabad ah ku dhacda waxay tusaale u yihiin Gobolka Geeska Afrika iyo meelaha ka baxsan,” ayaa lagu yiri qoraal ay shalay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale Mareykanka ayaa guul u rajeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.