
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu isha ku hayo sidii si dhaqso ah loogu soo afjari lahaa dagaalka uu Mareykanku kula jiro Iiraan, xilli qaar ka mid ah la-taliyeyaashiisa ay si hoose ugu boorinayaan inuu raadiyo qorshe bixitaan (exit plan).
Skier Lindsey Vonn ‘feels amazing’ in Olympic comeback at 40
Tallaabadan ayaa timid kadib markii qiimaha shidaalka adduunku uu gaaray heer sare, iyadoo laga cabsi qabo in colaad daba-dheeraata ay dalka gudahiisa ka keento cawaaqib xumo siyaasadeed, ayada oo aysan muuqan guul laga gaaro Iiraan..
Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay gobolka Florida Isniinta, Trump ayaa hawlgalka milateri ku tilmaamay mid inta badan xaqiijiyay yoolkiisii. “Aad ayaan uga horreynaa jadwalkii loogu talogalay,” ayuu yiri, isagoo raaciyay inuu aaminsan yahay in dagaalku uu “mar dhow” soo dhammaan doono.
In kasta oo uusan bixin waqti rasmi ah oo falkan lagu soo afjarayo, madaxweynaha ayaa u muuqday mid u diyaar garoobaya in lasoo gaba-gabeeyo dagaalka, beddelkii uu sii wadi lahaa cadaadiska lagu doonayo in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka Tehran.
Wuxuu sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay magacaabista Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka uu dhalay Aayatulaahi Cali Khamenei oo dhawaan la dilay, inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya Iiraan—tallaabo si cad u muujinaysa in xukuumadda Tehran aysan tanaasul sameyn doonin.




















