Trump oo saxiixay amar Maraykanka looga mamnuucay TikTok

1516

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay amar lagu mamnuucayo shirkadda iska leh barta TikTok ee ByteDance oo eedeyn kala kulmeysay mudooyinkan Aqalka cad

Amarkan madaxweynaha ayaa dhigaya in Mareykanka ay khasab ku tahay in tallaaba adag uu ka qaado milkiilayaasha shirkadda TikTok, si loo difaacao ammaanka qaranka Mareykanka

Waxaa dhaqangalka amarkan oo bilaabmayaa 45 cisho gudahood sidoo kale uu dhigaya in la mamnuucayo shirkad walba oo Mareykan oo iskaashi dhaqaale ama xiriir kale la yeelato ByteDance.

TikTok oo hore loogu eedeeyay inay u basaasto Dowladda Shiinaha oo uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin Mareykanka ayaa beenisay eedeymaha loo jeediyay ee ahaa in bartaas ay maamuusho ama ay saami ku leedahay dowladda Shiinaha.

Waxay kaloo waxba kama jiraan ku tilmaameen in xogta khaaska ah ee daka isticmaala TikTok ay u gudbiso Xukuumadda Beijing.

Maalin kahor, madaxweyne Trump waxaa uu sidoo kale saxiixay amar kaas lamid ah oo lagu mamnuucayo shirkadda WeChat oo iyana laga leeyahay Shiinaha taasoo ah mid bulshada ay farriimaha isugu diraan.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN