Trump oo u hanjabay Dibad baxayaasha +Video

1642

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa si adag uga hadlay banaan baxyada wali ka socda qeybo kamid ah dalka Mareykanka gaar ahaan banaan baxayaal doonayay in ay xoog ku galaan aqalka cad .

Dad badan oo ka careesnaa dilkii George Floyd ayaa banaan bax ka hor dhigay aqalka Cad ee looga arimiyo Mareykanka, ilaalada xaruntaasi ayaa gabi ahaan xiray albaabada aqalka cad si aysan dibad baxayaasha xoog ugu soo galin.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ilaaladiisa ku amaanay sida ay uga hortageen banaan baxayaashii doonayay in ay soo galaan aqalka cad, waxa uuna Trump hanjabaad culus hawada u mariyay banaan baxayaasha isku dayaya in ay soo galaan aqalka cad.

Qoraal uu barta Twitterka ku leeyahay Madaxweyne Donald Trump ayuu ku sheegay hadii dibad baxayaasha isku dayaan in ay soo galaan aqalka cad laga horkeeni doono eeyo arxan daran iyo hubka ugu xun uu abid arkay .

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka ayaa u muuqda mid xaalada hada ka taagan qeybo kamid ah dalka Mareykanka uga sii dareysa, waxaana hadalkan hanjabaada u muuqday si caro leh uga falceliyay dad badan oo Mareykan ah.