Trump Turkiga ayaa heya furaha Suuriya

27

Madaxweynaha la-doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Turkiga “uu hayn doono furaha” waxa ka dhacaya Suuriya, halkaasi oo mucaaradka ay taageerto Ankara ay horaantii bishan xukunka ka tuureen dowladdii Bashar al-Assad.

Isaga oo markii ugu horreeyay ka hadlay sida uu u arko doorka dalka ay yihiin xulafada NATO ee colaadda Suuriya, Trump ayaa ammaanay wax uu ku tilmaamay “awoodda militari ee weyn,” ee aan “ku daalin dagaalka” ee Turkey.

Ayada oo taageeraysa fallaagada, “Turkey waxay sameysay afgambi aan saaxiibnimo aheyn, ayada oo aan nolosha dad badan la lumin,” ayuu Trump ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa oo ku yaalla Palm Beach, Florida.

Hadda, Suuriya waxaa ka jira wax badan oo hubanti la’aan ah ama aan la ogeyn…Waxaan filayaa in Turkigu uu hayn doono furaha Suuriya,” ayuu yiri Trump.

Turkey oo gacanta ku haysa dhul badan oo ku yaalla waqooyiga Suuriya ka dib markii dhowr jeer ay soohdinta ka weerareen maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG, ayaa taageero weyn u ahaa kooxaha mucaaradka ee doonayey inay xukunka ka tuuraan Bashaar Al-Asad oo ay taageerayeen Iran iyo Ruushka tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye 2011-kii.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad, Washington iyo Ankara waxay yeesheen wadahadallo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa dib u curashada kooxda Daacish ee Suuriya. Washington ayaa illaa 900 oo askari ku haysa bariga Suuriya si ay isaga difaacdo mintidiinta.

Mar la weydiiyay waxa uu ka yeeli doono ciidamadaas, Trump ayaa ka gaabsaday, waxa uuna taa beddelkeeda uu farta ku fiiqay awoodda ciidamada Turkiga, isaga oo muujiyay xiriirka uu la leeyahay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Erdogan waa qof aan si wanaagsan isu fahanno…Wuxuu dhisay ciidan aad u xoog badan,” ayuu yiri Trump.

Isaga oo u muuqda in uu ka hadlayo taariikhdii Cusmaaniyiinta Turkiga, oo ay ku jirtay gacan ku hayntii Suuriya, Trump waxa uu intaas ku daray: “Waxay doonayeen kumannaan sano, wayna heleen, kuwa galayna [Suuriya] waxaa gacanta ku haya Turkiga, taasina waa caadi.”