
Madaxda Technology-yada ee shirkadda BAYKAR Selçuk Bayraktar, ayaa sheegay in Turkigu hadda wado dhismaha xarun dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo Soomaaliya, gaar ahaan meel u dhow dhul-baraha oo Turkiga la siiyay dhul cabbirkiisu yahay 30×30 km.
Bayraktar oo ka hadlayay madasha Take Off İstanbul ayaa sheegay in caalamka ay jiraan ku dhowaad 12 goobood oo ku habboon dhismaha xarumaha noocan ah, Soomaaliya-na ay ahayd meesha kaliya ee banaan isla markaana ka mid ah kuwa ugu fiican.
Selçuk Bayraktar, ayaa xaqiijiyay in Xarunta Hawada Sare ee Soomaaliya–Turkiga ay hadda ku jirto marxaladda dhismaha, taas oo noqon doonta mid labada dal u furi doonta bog cusub oo ku saabsan tignoolajiyada cirka iyo hawada sare.
Bayraktar ayaa sheegay in xaruntan ay si wadajir ah u isticmaali doonaan shirkadaga Roketsan iyo Fergani Space, kuwaas oo qorsheynaya in gantaalladooda iyo aaladaha lagu raro dayax-gacyada ay ka bilaabaan Soomaaliya si ay si madax-bannaan u gaaraan hawada sare, iyagoo aan isticmaalin adeegyo dalal shisheeye.
Roketsan, waa shirkada ugu saraysa ee difaaca Turkiga waxa ayna soo saartaa gantaalaha iyo nidaamka difaaca hawada, Fergani Space waxa ay qaabilsantahay hawada sare.
Mashruucan ayaa loo arkaa mid horumar weyn u keenaya iskaashiga Ankara iyo Muqdisho, kana dhigaya Soomaaliya mid ka mid ah dalalka Afrika ee leh xarun casri ah oo lagu diyaariyo laguna rido dayax-gacyada.
Xarunta ayaa sidoo kale la filayaa inay keento maalgashi, shaqo-abuur, iyo koboc dhinaca aqoonta tignoolajiyada sare ee labada dal.




















