Turkiga oo Somalia ka hireliyey Taliska ciidanka Cirka ah

160

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaca ka qaaday in Turkigu ka hirgeliyay gudaha Soomaaliya Talis Hawlgal Cir (Air Task Command) oo ka kooban diyaarado qumaatiga u kaca, kuwa adeegga iyo diyaaradaha dagaalka.

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay Kulanka Qiimeynta Sanadlaha ah Baarlamaanka Turkey oo su’aalo waydiiyay.

Waxaa uu xusay in tallaabadani ay qeyb ka tahay iskaashiga difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya, isla markaana lagu xoojinayo tababarka, amniga, iyo awoodda hawlgal ee ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiisyo tirobeel ah oo aan qaarkood la faahfaahin lagashay dowladda Turkey.

Dhinaca kale, Agaasimaha Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga, Yusuf Kıraç, ayaa shaaca ka qaaday in Turkigu si rasmi ah u bilaabay dhismaha xarunta dayax gacmeedka (spaceport) oo laga hirgelinayo dhul ku yaalla Soomaaliya oo loo qoondeeyay Turkiga.

Wuxuu sheegay in mashruucan, oo qeyb ka ah Spaceport Project, la filayo in la dhammeeyo sanadaha soo socda, isla markaana xaruntu ay dabooli doonto dhammaan baahiyaha Turkiga ee dayax-gacmeedyada la rido, sidoo kalena ay adeegyo farsamo iyo hawl-gal siin doonto dalal kale, taas oo sare u qaadi doonta kaalinta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee hawada sare.

Dalalka kale ma sheegin agaasimihu balse waxaa loo badinayaa dowladda Pakistan oo hada ay ka wada shaqaynayaan dhismaha Maraakiibta dagaalka, gantaalada, Warshadaha hubka, diyaaradaha dagaaalka

Turkiga ayaa saameyn ku leh Somalia, isagoo duleedka magaalada Muqdisho ka sameystay saldhiga ugu weyn ee ciidanka dalkaas ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda kaasoo lagu tababaro ciidamada Xoogga dalka, waana saaxiibka ugu weyn dowlada Somalia.