Turkiga oo Somaliya Ugu Deeqay Gaadiid Gaashaaman “SAWIRRO”

1740

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa Maanta si rasmi ah ula Wareegay Gaadiidka Gaashaaman oo Dawladda Turkiga ay ugu deeqday Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe , Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Odawaa yuusuf Raage iyo Safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya.

Gaadiidkaan Gaashaaman oo casri ah ayaa wax badan u tari doona Ciidanka Xoogga dalka oo wada howlgallo dalka looga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo xooggan oo lagu dhisayo Ciidanka Xoogga qeybihiisa kala duwan, Waxaana arrimahaas barbar socda qalabeynta & tayeynta Ciidamada.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaha ciidamada, Waxaana saldhig weyn uu ku leeyahay magaaladda Muqdisho, kaasi oo lagu tababaro Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.