Turkish Airlines oo joojisay Duulimaadyadii Muqdisho

1556

Shirkada Diyaaradaha Caalamiga ee Turkish Airlines ayaa ku dhawaaqday in si KMG ah u joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho si looga hortago caabuqa Caronavirus.

Qoraal kasoo baxay safaarada Turkiga ku leedahay Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in duulimaad maanta diyaarada Turkish Airlines uga qaadeyso Muqdisho rakaab uu noqonayan kan ugu dambeeyay ay sameyso shirkada mudo labo isbuuc ah.

“Turkish Airlines waxa ay hakineysaa duullimaadyadii Muqdisho shan iyo tobanka cisho ee ina soo aadan, diyaaradda waxa ay maanta oo talaado ah qaadeysaa rakaab u socda Magaalada Istanbul”. ayaa lahu yiri qoraalka safaarada.

Go’aankan shirkada diyaaradaha Turkish Airlines ku joojisay duulimaadka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili laga cabsi qabo in Soomaaliya soo galaan dad ka imaanaya dalka dibadiisa oo qaba caabuqa Caronavirus.

Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay in la joojiyay duulimaadka caalamiga ee imaan jiray magaalada Muqdisho kana bixi jiray laga bilaabo 18-ka bishan oo beri ku beegan si looga taxadaro faafida Caronavirus.