UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Champions League Todobaadkan, Messi, Lewandowski & Lukaku Ayaa Hogaaminaya

1772

UEFA ayaa soo saaartay Shaxda ugu fiican champions League todobaadkan kadib markii la ciyaaray kulamo xiiso leh maalmihii la soo dhaafay ee Salaasadii & Arbacadii.

Waxa jira xiddigo badan oo soo bandhigay qaab ciyaareed wareer ah kooxoodana ka caawiyay in ay gaadhaan guulo muhiim u ah tartanka champions League.

Kooxha reer Germany ee  Bayern Munich iyo RB Lepzing ayaa min 2 xiddig ku leh shaxda chamions League todobaadkan kadib guulo muhiim ah oo ay gaadheen.

Dhanka kale kooxaha Zenit, Leverkusen, Liverpool, Tottenham, Inter, Barcelona iyo Ajax ayaa min Hal xiddig ku leh shaxda Champions League todobaadkan.

Dhanka dhibcaha xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa dhibcaha ugu badan helay isaga oo leh 18 dhibcood kadib 4 gool.

Xiddigaha Bender, Ziyech iyo Forsberg ay heleen min 13 dhibcood dhanka kale xiddigaha Loveren, Lukaku iyo Tolisso ayaa helay dhibco 12 ah.

dhanka kale xiddigaha Messi, Aurier & Mwepu ayaa dhankooda helay min 11 xiddig

Image