Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo goor dhow kugeeriyooday Muqdisho

1508

Allaha u naxariistee waxaa caawa geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa ugaaska beesha Xawaadle.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu haleelay cudurka Coronavirus.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida Ugaas Xasan, oo la sheegay in maalmihii u dambeeyey uu la il daraa xanuunka COVID-19.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu facaweyn, uguna saameynta badan, waxaana aad loogu xasuustaa doorkii uu ku lahaa yagleelidda maamul goboleedka HirShabeelle.

Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waayihii dambe ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo caawa uu ku geeriyooday.