Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud oo lagu dilay Muqdisho

2098

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa barqadii maanta Xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaqshiid waxa ay ku dileen Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo nin la sheegay in uu ilaalo u ahaa Ugaaska.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ugaaska oo caan ka ahaa Degmada Yaqshiid iyo ninka ilaalada u ahaa lagu dilay maqaayad shaaha laga cabo oo kutaala Agagaarka Masaajidka Xaaji Cabdi Indhooy ee Xaafada Suuq Bacaad.

Ragii hubeesnaa ee dilka geestay oo la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana maqaayada lagu dilay Ugaas Xuseen Maxamed iyo ninka la socday ka kala cararay dadkii kale ee ku sugnaa.

Ciidamada booliiska saldhiga Yaqshiid ayaa dilka kadib goobta soo gaaray, mana ku guuleesan ciidamada booliiska in ay gacanta kusoo dhigeen dableydii ka dambeesay dilka ka dhacay xaafada Suuq Bacaad.

Maamulka Degmada Yaqshiid iyo taliska booliiska gobolka Banaadir ayaan wali ka hadlin nabadoonkan maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilkaasi.