Uganda oo 100 Bilyan oo dollar ah oo magdhow ah kurabta ciidamada looga dilay Soomaaliya

105

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweyne Museveni ayaa Mareykanka ka dalbaday magdhow dhan $100bn oo ah khasaaraha ciidamada Uganda ka soo gaaray Soomaaliya.

Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa u sheegay VOA-da in howlgalka ATMIS ay diiwaan-geliyeen ku dhawaad 4,000 oo dhimasho ah oo u badan askarta kasoo jeeda Burundi & ganda”

“Mareykanku waxaan ku leenahay ugu yaraan 100 bilyan oo doolar oo ah shaqadayada Soomaaliya,” ayuu yiri Muhoozi.

Mareykanka, oo ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya ka dib dhacdadii madowga ahayd ee lagu dilay 1993-kii 18 Mareykan ah, ayaa ayuu sargaalkaan sheegay in uu ku tiirsanaa askarta Uganda si ay u gaaraan himilooyinka Washington ee Muqdisho.

Boqolaal ka tirsan askarta Uganda ayaa lagu dilay dagaallo dhiig badan ku daatay oo la doonayay in Al-Shabaab looga saaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qoraallada uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ee Muhoozi ayaa kusoo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Uganda iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa dhawaan cunaqabateyn ku soo rogay mas’uuliyiin ka tirsan Uganda, kaddib markii la sameeyay sharciga ka hortagga waxa loo yaqaaano LGPT, wuxuuna Maraykanka diiday inuu maalgasho Uganda.

Washington waxay sidoo kale ka saartay Ugandha ka faa’iidaystayaasha Fursadaha Kobaca Afrika (AGOA) kaas oo siinaya waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika inay si cashuur la’aan ah u galaan suuqyada Maraykanka.