
Uganda ayaa joojisay in ay qaabbisho qaxooti ka imanaya Eritrea, Ethiopia iyo Somalia, iyadoo sabab uga dhigtay hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah iyo kororka qaxootiga.
Wasiirka Qaxootiga Hilary Onek ayaa sheegay in dadkii horey u helay Kaarka aan laga laaban doonin, balse qaxootiga cusub aan la aqbali doonin. Sanadihii dambe Somalida lama siinayn balse waxaa loo arkaayay go’aan KMG ah.
Uganda waxay hadda martigelisaa ku dhowaad 2 milyan oo qaxooti, halka deeqdii UNHCR ay ka yaraatay $240m oo ay ahaan jirtay, una dhacday $18m sanadkan.
Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa dhowaan WFP ugu deeqday 2,544 tan oo bariis ah si loogu taageero 600,000 qaxooti iyo 200,000 arday.
Wasiirku wuxuu sheegay in Uganda wali ay tahay dal furan, balse culayska dhaqaale uu sare u kacay, ayna dalalka dagaalka ku jira ku dhiirri-gelinayaan in ay xasillooni gaaraan si qaxootiga ugu laabtaan guryahooda.




















