DAAWO:-Uhuru Kenyatta oo sheegay in lasoo afjaray dagaalkii Nairobi

1655

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa warbaahinta la hadlay, isaga oo faahfaahin ka bixiyay weerarka ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kenyatta, wuxuu sheegay in laamaha amaanka aysoo gabogabeeyeen weerarka, isaga oo sheegay in hadda xaalada caadi kusoo noqotay, islamarkaana dadka ay ku laaban karaan goobahooda ganacsiga.

Wuxuu sheegay in waxyeelo ay ka dhalatay weerarka, balse ay socdaan faahfaahinta la xiriirta khasaaraha ka dhashay iyo sida Al Shabaab ay ugu suuro gashay inay weerarkaasi ka geystaan magaalada Nairobi, isaga oo sheegay in 14 ruux ay ku dhinteen hotelka.

Dad ka badan 700 qof ayuu sheegay in laga badbaadiyey dhismaha la soo weerarray, wuxuuna u mahad celiyey ciidamada Kenya oo jawaab degdeg ah ka bixiyey weerarka.

Uhuru Kenyatta, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay dad Kenyan ah ku dhinteen, isaga oo tacsi u diray dadka eheladooda weerarka ay ku dhinteen.

Dadka waxyeelada ay soo gaartay waxaa kamid ah Soomaali, American, Ingiriis iyo kuwo u dhashay dalka Spain, sida warbixinta lagu helayo.

Waaberigii saaka waxaa la maqlayay dhawaqa rasaas iyo qaraxyo u muuqday bam gacmeed inay ka dhacayeen hotelka ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay inay dileen 47 ruux oo ku sugnaa dhismaha hotelka , laakiin laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad 15 ruux ay ku dhinteen weerarka.