Uhuru Kenyatta oo tagay Addis Ababa+SAWIRRO

987

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Uhuru Kenyatta ayaa markii uu ka degay garoonka Bole ee magaalada Addis Ababa, waxaa kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Itoobiya iyo madax kale oo tirsan dowladda.

Madaxweyne Kenyatta iyo Abiy Ahmed ayaa ka wada-hadli doona xaalada gobalka, gaar ahaan dalka ka holcaya Itoobiya iyo shirka madaxda wadamada IGAD ee berri ka furmi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo ay u duuli doonaan.