UNHCR oo kala saartay murankii udhaxeyay Puntland iyo DFS

1476

Waxaa weli socota dooddii ka dhalatay gargaar saddex diyaaradood saarnaa oo shalay la geeyey Garoowe, si loogu caawiyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha Qardho.

Gargaarkaas ayaa waxaa markii hore sheegtay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka, oo sheegay inuu yahay gargaar ay dowladda soo dirtay, hase yeeshee waxaa beeniyey wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sheegay in gargaraka uu ka yimid UNHCR.

Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Johann Siffointe ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka u muuqday inuu xaqiijinayo warka Puntland, isaga oo si dadbanna u duray dowladda federaalka.

Johann Siffointe ayaa sheegay in gargaarka uu ka yimid UNHCR, balse dowladda federaalka ay lahayd abaabulka iyo inay gaarsiiso magaalada Garoowe.

 

“UNHCR waxay ku faraxsan tahay dadaallada dowladda federaalka iyo Puntland ee looga jawaabayo xaaladda deg degga ah ee daadadka Qardho. 920 agab gargaar oo horey oo ay qoondeysay UNHCR, ayaa waxaa mas’uuliyaddooda iyo abaabulkooda qaatay dowladda federaalka oo diyaarado ku gaysy Garoowe,” ayuu yiri Siffointe isaga oo adkayanaya in agabkan ay bixisay UNHCR.

Waxa uu intaas ku daray in UNHCR ay sii wadi doonto inay ka qeyb qaadato jawaabaha laga bixinayo daadadka, ayada oo loo marayo hoggaanka dowladda federaalka iyo wada shaqeynta maamulka Puntland.

Madaxda dowladda federaalka, oo lagu eedeeyo inay aad u faan jecel yihiin, ayaa marar badan beenin kala kulamay gargaar ay bixiyeen hay’ado shisheeye oo ay sheegteen ayag oo aan xusin cidda bixisay gargaarka balse ka dhigay mid ay dowladda ugu deeqday shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey sidan oo kale u sheegtay in dowladdiisa ay abuurtay barnaamij la dhaho Baxnaano oo lacag lagu siinayo qoysas dhibaateysan, isaga oo aan xusin Bankiga Adduunka oo maal-geliyey barnaamijkaas, taasi oo keentay in Bankiga Adudunka ay ka daba hadlaan, sheegaanna inay ayaga bixiyeen barnaamijka balse loo dhiibay dowladda si ay u fuliso.