United Oo Iska Xaadirisay Wareegga 8-da FA Cup-ka +SAWIRRO

1397

Ka dib ciyaar waqtiga dheeri lagu daray , United ayaa u gudubbtay wareegga 8-da aa FA Cup-ka waxa ayna ka taqaluseen kooxda West Ham United

United iyo Westham ayaa ku hishiiyay bar bar dhac bilaa goolal ah waxa ayna wada ciyaarayeen kulan ka tirsnaa wareegga 16-aad ee FA Cup-ka

Man United waxa ay soo bandhigeen ciyaar weerar oo cadaadis leh balse kooxda West Ham daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen .

United inkastoo qeybta hore kubadda dhan waliba ka maamulayeen hadana halis gilin muuqta ma jirin marka lga yimaado dhowr fursad

West Ham waxa ay ku wacnaayeen kubad raacshada halka United iyana ku wacnaayen dadajinta kubadda iyo isku balaarinta garoonka .

West Ham dhamaadkii qeybta hore waa soo wacnaadeen waxa ayna dagaal ugu jireen in ay kubadda gaarsiiyaan aagga goosha United

Qeybta labaad, United cadaadiska halkee ayay ka wadeen balse waxaa ka maqnaa in ay goolal u turjumaan waxaana hor taagnaa goolhayaha iyo daafaca .

Wets Ham qeybtaas labaad waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah oo mararka qaar halis ahaa loogana bad baadiyay qaab cajiib ah.

United badalkoodii ugu horeeyay waxa sameeyeen daqiiqadii 73-aad iyaga oo soo giliyay Scott McTominay iyo Bruno Fernandes halka daqiiqadii 88-aad ay soo raaciyeen Edinson Cavani

Qeybihii dhamaadka labada koox kubadda waa ay u furneyd waana laga filan karay goolal balse wax aay ciyaarat ku dhamaatay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah , waxa ayna heerka kubad haysashada United ee labada qeyb ay gaareysay %67 , waxaana lagu daray waqti dheeri

Qeybta hore ee waqtiag dheeriga , United iyaga ayaa ku badnaa kubadda una dhawaa gool ilaa ay keeneen gool ku la-laabatay goosha West Ham waxaan dhaliyay Scott McTominay daqiiqadii 97-aad waxaana lagu nastay halkaas gool.

Qeybta labaad ee waqtiag dheeriga , United iyaga aya dar dar wacnaa una nuglaa gool labaad xilli West Ham kaliya ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayan ciyaarat ku dhamaatay halkaas gool.