Universal TV oo wareesi dheer layeelatay Khayre +VIDEO

1615

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi uu Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu siiyey Telefishinka Universal, Kaasi oo Arimo Miisaan culus uu kaga hadlay.

Ugu horayn wuxuu ka hadlay guulaha Safarkii uu dhowaan ku tagay Maraykanka iyo Kulamadii kala duwanaa ee uu ka Qayb galay.

Khayre ayaa ka hadlay Barnaamijka Dayn Cafinta Soomaaliya oo Maraya Meel-Gabagabo ah, Isagoo Xusay in wax badan laga badalay Nidaamka Maaliyadda ee dalka, Sidoo kalana wuxuu ka Arimo kale oo la Xidhiidha Barnaamijka Dhaqaallaha ee dalka.

Arimaha Amniga iyo Dib u Habaynta Ciidamada ayuu sheegay inay marayso Meelwanaagsan, Wuxuuna sheegay in Laga Bilaabay in Askari kasta la diiwaan geliyo , Sidoo kalana Xaquuqda ay Toos u helaan, Wuxuuna xusay in dhowaan la arki doono Arintaasi siday u midho-dhasho.

Kooxda Alshabaab ayaa la waydiiyey inay wada hadal la furayaan, Wuxuuna sheegay inay soo dhowaynayaan Cidii doonaysa inay kasoo baxdo kooxdaasi, Wuxuuse sheegay in Argagixisada in dalka laga Sifeeyo ay tahay shaqo socota.

Mar laga waydiiyey Inay Xoog u adeegsanayaan Cidii ka hortimaada, ayuu sheegay in Dawladnimadu ay tahay in la badalo dhaqankii hore, oo lagu badalo wax wanaagsan, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ay la qabsadeen Burbur iyo Nidaam darro islamarkaana ay wixii hore moodayaan inay Saxan tahay, Wuxuu Tusaalle usoo qaatay Xafiiskiisa oo dad shacaba deganaayeen markii hore, sidoo kalana ay ka furnaayeen goobo Cunto , Hadana noqday Xarun dawladeed oo dhaqankii hore laga badalay.