Urur caan ah oo taageeray Ilhan Cumar

1803

Urur caan ah oo ka dhisan dalka Maraykanka una dhaqdhaqaaqa horumarka MoveOn ayaa aqoonsigooda ugu horreeya ee taageerada doorashada aqalka Koongareeska Mareykanka ee 2020-ka siiyay Ilhaan Cumar, oo ah gabar muslim ah oo ka tirsan aqalka wakiillada.

Bogga uu ururkan ku leeyahay internet-ka oo lagu magacaabo MoveOn.org ayaa Arbacadii lagu shaaciyay taageerada loo muujiyay Ilhaan Cumar oo Koongareeska u matasha xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka.

Waxa uu ururku sheegay inay arrintan kusoo beegeen dhaleeceynta daba socotay hadalladii ay jeedisay gabadhan laga soo doortay gobolka Minnesota.

“Iyadoo ay jiraan falal cunsurinnimo ah iyo isku dayo lagu doonayo in lagu hor istaago gabadhan, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah, muslinna ah ee ku biirtay Koonagreeska Mareykanka, iyo isku dayada qaawan ee lagu kicinayo qalalaasaha ka dhanka ah iyada iyo bulshooyinka Muslimiinta ah, Ilhaan Cumar waxay sii wadday dadaalka ay ugu dagaallameyso bulshadeenna, mana aha dadka ay u doodeyso kuwa maalqabeennada iyo kuwa awoodda leh oo kaliya”, waxaa sidaas lagu yiri warbixinta ay soo saareen ururka taageerada u muujiyay Ilhaan.

Ururka MoveOn ayaa caan ku ah inuu mar walba xabadka u garaacdo musharraxiinta xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo uu dhaqaale badan ku garab istaago. Doorashadii 2018-kii ka dhacday Mareykanka, wuxuu ururkan ku taageeray lacag dhan $3.5 malyan oo doolar.

Ilhan Cumar ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu firfircoon ee u dhaqdhaqaaqa xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka.

https://front.moveon.org/

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN