Villa Somalia oo balanta uga baxday Cali Guudlaawe

1759

Sida xog hoose kuheshay warbaahinta Wardoon.net , Madaxtooyada Soomaaliya ayaa balanta uga baxday Cali Guudlaawe Xuseen oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, kaas oo ka soo jeeda Beesha Abgaal oo horay u heysay madaxweyne ku-xigeen.

Cali Guudlaawe oo qudhiisa isku caleema saaray inuu ku guuleysanayo xilka madaxweynaha maamulkaas, ayaa hadda u muuqda mid daaqada ka sii baxaya, maadama soo baxayaan warar sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay door biday iney Kursiga ugu sareeya maamulka Hirshabeelle ay ku fariisiso shaqsi ka soo jeeda Beesha Xawaadle oo dood badan ka keentay hanaanka loo marayo dhismaha maamulka cusub ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wararka aan la hubin oo aan ka heleyn ilo xog ogaal ah ayaa ku waramaya in Fahad Yaasiin uu damacasan yahay inuu meesha ka saaro musharaxii hore ee Balanta uu la galay, kana raariday inuu ku taageerayo doorashada Hirshabeelle.

Maalmihii u dambeeyay waxaa baraha Bulshada qabsaday sawiro lagu muujinayay inuu Cali Guudlaawe yahay musharax rasmi ah oo u taagan xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.