Villa Somalia oo dabin u maleegtey mucaaradka

1697

Habeenimadii Jumcada waxaa lagu kala tegey shir ay la haayeen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaalliya iyo xubnaha midowga mushairixiintan mucaaradka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Si lamid ah waxaa shalay oo Sabti ahayd baaqday mudaharaadyo ay qaban qaabinayeen mucaaradku oo looga soo horjeedey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qayb ka ahaa heshiisyadii hore ee Rooble iyo mucaaradka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in saraakiisha hay’adda NISA oo kulan xasaasi ah yeeshay ay go’aamiyeen in laga hortago waxkasta oo lagu wiiqayo awoodda madaxweyne Farmaajo lalana socdo dhqdhaqaaqyada mucaaradka.

Dowladda oo diidan mudaharaadka mucaaradka ayaa musharixiinta ku hanjebisey in ciidankooda ilaalada gaarka ah ay uga yimaadaan goobo cayiman isla markaaana ay shacbaka soo raacaan taasi oo aan u cuntamin rag badan oo aan ku kalsoonayn ciidanka dowladda.

Saraakiil katirsan ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya oo warbaahinta xog hoose siiyey ayaa waxa ay sheegeen in uu socdo Qorshe lagu soo xirayo Saraakiisha horkaceysa Mucaaradka dhinaca ciidanka.