Villa Somalia oo wada mooshin xilka looga tuurayo Waare

1860

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gadaal ka riixeysa mooshinka la doonayo in xilka looga tuuro madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Tiro Xildhibaano ah ayaa diyaariyay soo jeedin (Mooshin),kaas oo ku taxaluqa in kalsoonida loogala laabto madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay shaqadii loo igmaday,islamarkaana isku koobay taladii maamulka.

Sida ay Wardoon wararka ku heleyso,guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa wada mooshinka,isagoo ka shidaal qaadanaya Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda shirar gaar gaar ah oo ay leeyihiin Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle iyo Xildhibaanada Federaalka ee laga soo doorto deegaanada Hirshabeelle,kaas oo diirada lagu saarayo mooshinka iyo sidii xilka looga eryi lahaa Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu xilka ku fadhiyo waxqabad muuqdo lag heyn,wuxuuna ku soo koobmay safar iyo waliba shirar aan wax natiijo ah ka soo bixin.