Villa Somaliya oo katashatay Cali Guudlaawe

1186

Laba maalmood ka hor waxaa qeyb kamid ah magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan la wareegay ciidan hubeysan. Ciidankaas waxay sharciyan ka tirsan yihiin militeriga Soomaaliya, laakiin hadda waxay ka shaqeenayaan difaaca doodda ay qabto beeshooda.

Hase yeeshee Arbacadii Farmaajo ayaa ciidan geeyey magaalada Beledweyne, kooxdii hubeysneyd ee magaalada soo gashay ma hor istaagin ciidanka tagay Beledweyne, maadaama aysan mas’uul ka aheyn ammaanka garoonka diyaaradaha oo ay halkaas joogaan ciidan Jabuutiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidanka uu Farmaajo geeyey magaalada Beledweyne waxaa lagu sheegay dhowr Boqol oo Askari oo hubeysan, qaar kale ayaa la filayaa in lagu biiriyo sida wararka qaar sheegayaan, laakiin dowladdu ciidankaan uma geynin Beledweyne xasilin amni ama inay al dagaalamaan ciidankii qabsaday qeybo kamid ah magaalada.

Ujeedka ciidanka Arbacadii Beledweyne loo geeyey waxaa lagu sheegay mid doorasho la xiriira, xubno kamid ah maamulka HirShabelle ayaan kasoo xiganay xogtaan.