Waa Kuma Aaron Wan-Bissaka?

2041

Kooxda Man United ayaa saxiixa Aaron Wan-Bissaka kala heshiisay kooxda Crystal Palace kaas oo noqday daafac cusub oo kooxda Man United ah kadib markii ay ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro.

Daafaca reer England Aaron Wan-Bissaka ayaa qalinka ku duugi doona heshiis wakhti dheer ah isaga oo tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Man United 24 saac ee soo socda.

Hadaba waa Kuma Aaron Wan-Bissaka?

Aaron Wan-Bissaka Dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Congo laakiin waxa uu ku dhashay England 26 November 1997 waxana uu ka ciyaaraa daafaca Midig waana xiddig cusub oo Man United ah.

Noloashiisii Bilowga ahayd?

Aaron Wan-Bissaka ayaa ku dashay dalka England 26 November 1997 waxana uu ku koray New Addington, Croydon halkaas oo uu ka dhigtay dugsiga Good Shepherd school.

Xirfadiisa Kooxda:

Wan-Bissaka waxa uu ka mid ahaa Akademiyada Crystal Palace markii uu jiray 11 sano jir isaga oo markii hore ka bilaabay kubada cagta ciyaarista garabka weerarka.

Xagaagii 2017 kulamadii isku diyaarinta ahaa ayuu Wan-Bissaka ku bilowday isaga oo kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda 1-aad u ciyaaray kulamo saaxiibtinimo ah isaga oo bilowgii Crystal Palace uga ciyaaray garabka Weerark.

Laakiin Wan-Bissaka ayaa ka ciyaaray booska daafaca Midig sabab la xidhiidha woodiisa difaac ee cajiibka ah waxana uu inta badan qaadaa weeraro garabka Midig ah.

25 February 2018 Wan-Bissaka ayaa Crystal palace kulankiisii ugu horeeyay u saftay kulan premier League ahaa oo ay Crystal Palace la ciyaaraysay kooxda Tottenham.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda isaga oo xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa Crystal Palace.

Xirfadiisa Heerka Caalami:

Wan-Bissaka ayaa ku dhashay dalka England laakiin dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Congo, xitaa Wan-Bissaka ayaa kulan u ciyaaray xulka qaranka Congo ee da,doodu ka yartahay 20 jirka kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayeen xulka qaranka Enland.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa doortay in uu matalo dalka uu ku dashay isaga oo haatan u ciyaara xulka qaranka England ee da,doodu tahay 21 jirka