Waa kuma gudoomiyaha cusub ee maanta ladoortay

1277

Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal ayaa goordhaw doortay guddomiye cusub, kadib markii xilka laga qaaday guddomiyihii hore ee guddigaasi Maxamed Xasan Cirro oo lagu eedeeyay in uu siyaasadda isdiidan ku dhax milmay.

Doorashada guddoomiyaha guddiga doorashada oo aheyd mid adag oo xamaasad badan laheyd waxaa ku guuleestay Muuse Geelle Yusuf oo helay 14-cod halka musharaxii la tartamayay C/raxiin C/casiis Aadam isna helay 11-cod.

Sida aan xogta ku helnay guddomiyaha cusub ee la doortay Muuse Geelle Yusuf ayaa taageero balaaran ka helayay xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble iyo xubno katirsan golaha midowga musharaxiinta.

 

Musharaxan ayaana la sheegay in taageero dhaqaale iyo garab istaag kalaba uu ka helay xafiiska Ra’isul Wasaaeaha Soomaaliya iyo musharaxiin kale oo saameyn leh kuwaa oo si gaar ah u watay musharaxan.

Xogta ana helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in musharaxii laga guuleestay C/raxiin C/casiis Aadam isna garab ka helayay madaxtooyada Soomaaliya oo si weyn ugu ololeesay, waxaa sidoo kale musharaxan taageersanaa xubno katirsan midowga Musharaxiinta.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo horey u keensatay guddomiyihii hore ee guddiga doorashada heer federaal ee xilka laga qaaday Maxamed Xasan Cirro ayaa hada guul daro culus la kulantay, waxa ayna tani saameyneysaa faraglintii badneed ee Villa Soomaaliya.