Waa kuma ninka loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada?

2051

Guddiga doorashada heer Federaal oo ay Xukuumadda magacawday ayaa maanta iska dhex doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Kuxigeen, kaddib todobaadyo xubnaha Guddiga ku xareysnaayeen Hotelka Decale ee ku yaalla garoonka diyaaradaha.

Guddoomiyaha cusub ee la doortay Maxamed Xasan Maxamed oo loo yaqaano Cirro ayaa ku guuleystay 17 cod.

Maxamed Xasan Cirro ayaa ahaa Qoraa Barnaamij soo saare ka ahaa ka shaqeyn jiray Idaacadda Qaramada Midoobey ee ka shaqeysa arrimaha Bani’aadanimada oo loo yaqaano ERGO, muddo shan sano ayuu ka shaqeynayay Idaacadda ERGO.

Sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyay Maktabada Aw-Jaamac oo qaban qaabisa todobaadka dhaqanka Kenya oo lagu qaban jiray Tiyaatarka Qaranka.

Tallaabada guddiga doorashada heer Federaal uu Guddoomiye iska dhex doortay ayaa ku soo aaday, iyadoo ay taagan tahay khilaafka ka taagan hannaanka doorashada iyo diidmada lagala horyimid Guddiga oo ay dalbadeen Musharaxiinta mucaaradka in la kala diro.