Waa Maxay Sababta Uuna Mauricio Pochettino Tababare Ugu Noqon Karin Kooxaha Man United & Tottenham Ka Hor Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan?

1689

Kooxaha Man United & Arsenal ayaa dhirbaaxo kala kulmay fursad walba oo ay doonayeen in ay ku helaan tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino si ay ugu badalaan tababarayaashooda.

Wargayska Express Sport ayaa sheegaya in uu tababare Mauricio Pochettino kooxda Tottenham dib ugu celin doono lacagta 12.5 milyan ee ay u siisay si uu shaqada uga tagi hadii uu xilli ciyaareedkan tababare u noqdo koox kale oo Premier League ah.

Tababare Mauricio Pochettino iyo shaqaalihiisa tababarka ayaa jeebka ku shubtay lacag dhan 20 milyan oo euro kadib markii tababaraha reer Argentine laga caydhiyay shaqada 2 toodbaad ka hor.

Laakiin sabab la xidhiidha in ay Tottenham ku xidhay shardi waxa uu dib u bixin doonaa lacagtaas hadii uu koox kale oo premier League ah ka hor suuqa xagaaga.

Sidaas darteed tababare Pochettino  ayaa tababare u noqon doonin kooxaha Man United Iyo Arsenal ka hor suuqa xagaaga.

Arintaas ayaa dhirbaaxo ku ah labada kooxood maadama ay dhamaadka xilli ciyaareedkan tartan kala kulmi karaan kooxo badan oo ay ka mid yihiin Bayern Munich, PSG iyo waliba kooxo kale.