Waare Oo Goordhow Gaaray Baydhabo

1726

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Maagalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka Madaxweyne Waare ayaa waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle ee Hirshabeelle, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Xildhibaano, Wasiiro iyo dadweyne farabadan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Baydhabo uga qeyb galaya shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, shirkaas oo looga hadli doono Arrimo kala duwan.

Sidoo kale Baydhabo ayaa waxaa ku wajahan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyagoo saacadaha soo socda tegaya halkaas, waxaana socda qorshe lagu soo dhaweynayo.

Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in ciidamo la dhigay waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda Maamulka.