Waare oo looga yeeray Dhuusamareeb

1555

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasoo ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyagoo ka wada hadli doona arrimo dhowr ah oo la xiriira Hirshabeelle iyo Galmudug ku saabsan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne oo ay ka jirtay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, waxaana dhowaan Beledweyne gaaray wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ah.

Warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tagi doono Beledweyne, si uu qeyb uga noqdo dadaalada lagu xalinayo xiisadda ka jirtay, balse arrimo ka jiray Galmudug darteed uu uga baaqday, isla markaana uu taleefano kula hadlay dhinacyada ku sugnaa Beledweyne.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka mid ah maamulada taabacsan dowladda Federaalka, iyagoo horay isaga baxay sanadkii hore isbaheysigii maamul goboleedyada, kaddib cadaadis uga yimid dowladda Dhexe.