Waare oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya dilkii Cornel Mocow

1584

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddi Xaqiiqa Raadin ah oo ka kooban toban wasiir kuwaasoo baaris ku sameeya dilkii taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Hiiraan Maxamed Mocow Xalane.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan waxaana guddoomiye u ah Wasiirka Amniga C/qaadir Aadan Jeelle.

Guddigan ayaa sida uu hore u sheegay Madaxweyne Waare waxa ay si wadajir ah ugala shaqeyn doonaan guddiga uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xiisada ka dhalatay xilka qaadista Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa weli ka taagan magaalada Beledweyne iyadoo weli uu diidan yahay Yuusuf Dabageed inuu xilka wareejiyo isla markaana sheeganaya inuu yahay Guddoomiyaha rasmiga ah ee gobolka Hiiraan.

Waare oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya dilkii Cornel Mocow