Waare oo magacaabay Guddiga soo xulista Baarlamanka labaad ee HirShabelle

1475

Qorshaha dhismaha maamulka cusub ee HirShabelle ayaa si rasmi ah u billowday, waxaana ugu horreyn doona soo xulista xildhibaanada baarlamanka cusub ee maamulkaas uu yeelan doono.

Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay magacaabay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamanka labaad ee HirShabelle, kaasi oo marka lasoo dhiso soo dooran doona madaxweynaha cusub ee HirShabelle, xilli uu dhammaad ku dhow yahay waqtiga Waare.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu magacaabay Guddiga Farsamada oo ka kooban 11 xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Cusmaan Maxamed Mukhtaar.

HirShabelle ayaa wajahaysa loolan la mid ah kii Galmudug, waxaana wararka ay sheegayaa in Waare ay u badan tahay inuusan soo laaban, ayada oo dowladda federaalka ay qorsheyneyso inay keensato madaxweyne ku xiran.