Wada-hadaladii Qoorqoor & Shaakir oo fashilmay

978

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay wada-hadalo laga dhexwaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo ah Madaxa Ahlu-sunna, kuwaas oo xal looga raadinayay xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Wada-hadaladan oo ay garwadeen ka ahaayeen siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaa la isku mari waayay, kaddib markii labada dhinac ay kala istaageen meelo adag, sida Qoorqoor oo dalbaday in uusan wax gorgortan ah la geli doonin Ahlusunna iyo Sheekh Shaakir oo dhankiisa ku adkeystay in aysan Ciidamadooda ka saari doonin Guriceel.

Warar ayaa sheegaya inuu Qoorqoor amar ku siiyay Ciidammada DFS iyo kuwa Galmudug ee ku dhow agagaarka Guriceel inay weeraraan magaaladaas, ayna si awood ah gacanta ugu soo ceshaan maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Ahlusunna ayaa xoojisay u diyaar-garowgeeda dagaal, iyadoo difaacyo horleh ka sameysatay xaafadaha magaalada Guriceel, waxaana jiro gurmadyo cusub oo uga yimid dhanka deegaanada laga taageersan yahay.

Boqolaal shacab ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka barakacay magaalada Guriceel, kuwaas oo ka cabsi qabay in lagu dul-dagaalamo, iyadoo sidoo kale uu gabi ahaanba istaagay ganacsigii magaalada.