Wadaad Soomaali ah oo lagu dilay Australia

1450

Waxaa Magaalada Melbourne ee dalka Australia lagu Dilay Wadaad Soomaali ah oo la oran jiray Shikh Mohamed Xoogsade kaasoo ka mid ahaa Culimadda dadka Quraanka ku akhriya.

Qaraabadda Marxuumka xaqiijiyay geerida marxuum Shiikh Maxamed Xoogsade.

Dilka Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay Nin Maskaxda ka xanuusan oo Shiikhu Quraan ku akhrinayay, kaasoo Shiikha si lama filaan ah dhowr jiray ugu dhuftay mindi u qarsaneyd.

Soomaalida ku nool magaalada Melbourne ayaa ka naxay dilka Shiikha, iyagoo isaga tacsiyadeynayey geeridiisa.

Booliska magaalada ayaa la sheegay iney xireen ninka dilka geystay, iyagoo geeyey xarumaha lagu daweeyo dadka dhimirka ka xanuunsan si uusan dhibaato kale u geysanin.