Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara oo baaqday

70

Wajigii 3aad ee wadahadalada Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee loo ballansanaa 17-ka Sebtembar, ayaa dib loo dhigay, lamana oga sababta.

Baaqashada shirkaan ayaa kusoo aadday iyadoo labada dal ay hawada isku marinayaan hadalo xanafleh oo saamayn ku yeelan kara sii socoshada wada xaajoodka Ankara.

Labada dal ayaa horey heshiis ugu gaari waayay wajigii labaad iyo wajigii koowaad ee wadahadalada Ankara, inkastoo dowladda Turkiga ay sheegtay inay jiraan iskusoo dhowaansho labada dhinac ah.

Laakiin Soomaaliya ayaa caddaysay in aysan marnaba ka tanaasulin in Ethiopia ay ka laabato heshiiska marin biyoodka ah ee ay la gashay maamulka Somaliland.

Maalmo ka hor, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wadashaqayn la yeelan doonto jabhadaha Gooni-goosadka ee ka jira dalka Ethiopia, haddii aysan Ethiopia ka laaban heshiiska xadgudubka ku ah qaranimada dalkeeda.

Ethiopia waxay dhankeeda walaac xooggan ka muujisay saamaynta Masar ee Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay madaxda Soomaaliya inay cadowga Ethiopia la galeen iskaashi dhinaca difaaca ah. Ethiopia waxay ku adkaysatay inay difaacayso heshiiska ay la gashay Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa in ay burburaan wadahadalada uu Turkiga garwadeenka ka yahay, taasoo kor usii qaadi karta xiisadda labada dal.

Dowladda Soomaaliya waxay horey ugu hanjabtay inay qaadayso tallaabooyin waawayn haddii ay Ethiopia ay kusii socoto ku xadgudubka dhulkeeda.