Wadamada reer Yurub oo Madaxweynaha Venezuela u aqoonsaday Juan Guaido

1770

Qaar ka mid ah dalalka qaarada Yurub sida UK,France,Germany,Spain iyo wadamo kale ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday hogaamiyaha Mucaaradka dalka Venezuel Juan Guaido uu yahay madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaas.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu Madaxweyne Nicolas Maduro uu diiday waqti loo qabtay oo ah inuu ku dhowaaqo doorashooyin cusub,

Mr Guaidó ayaa bishii la soo dhaafay ku dhowaaqay inuu yahay Madaxweyne ku meelgaar ah waxana uu helay taageerada dowlada Maraykanka.

Hase yeeshee dowlada Ruushka ayaa taageertey Mr Maduro iyadoo ku eedeysay wadamada qaarada Yurub inay farogelin ku hayaan arrimaha dalka Venezuela.

Ugu yaraan 15 dal oo ka mid ah ururka Midowga Yurub ayaa taageeray Mr Guido halka dowlado kale sida wadanka Giriiga ay taageero u muujiyeen Mr Maduro.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN