Waddooyinka Muqdisho Oo Xiran Iyo Ciidamo La Dul Dhigay Guryaha Musharixiinta

1352

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka lagu arkay ciidamo dheeraad ah oo la soo dhoobay waddooyinka qaar, gaar ahaan xaafadaha ay dagan yihiin inta badan musharraxiinta xilka madaxweynaha ee 2021-ka.

Ciidamadan ayaa lagu soo warramayaa inay isku hareereeyeen xaafadaha u dhow Hotel Jaziira oo saldhig u ah hoggaamiyeesha mucaaradka dalka.

Meelaha lagu arkay ciidamadaas oo ah kuwa Haramcad ayaa waxaa ka mid ah Laami yaraha Zoobe, wadada Ceel Qalaw, Macruuf, Soomaali Airline iyo sidoo kale jid-cade walba ee ka soo bilowda oo dhaca dhanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Xaafadahaasi waxaa intooda badan degan musharraxiinta, sida madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Dhinaca kale xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah golaha shacabka ayaa si adag uga hadlay arrintaasi iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee maanta laga dareemayo M/Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa hoosta ka xariiqay inuu ciidankaas u diray guryaha musharraxiinta madaweyne Farmaajo, islamarkaana uu isagu qaadi doono mas’uuliyaddeeda.

“Ciidamada Farmaajo saakay u diray guryaha musharaxiinta cawaaqib xumada ka dhalata mas’uuliyadeeda isaga ayaa qaadi doona,”ayuu yiri Mahad Salaad.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sababta ku sheegay in la doonayo in laga hortago xuska 17-ka December oo ah markii uu dhacay wararkii lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir, sanadkii 2017-kii, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli inta badan musharraxiinta mucaaradka ay ku sii jeedaan magaalada Nairobi oo ay shir kula yeelan doonaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.