Wadooyinka Laascaanood oo lagu xardhay calanka buluuga

403

Goobaha caanka ah ee ku yaalla caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood ayaa lagu xardhay calanka dalkeena Soomaaliya ee ‘Baluugga ah’, kaddib 15 sano oo ay magaaladaas gacanta ugu jirtay maamulka Somaliland oo sheegay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Argada bartamaha Laascaanood iyo meelo kale oo caan ah ayaa lagu sawiray calanka Baluugga ah, waxaana tallaabadan si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada.

 

Laascaanood ayaa martigelinaysa kacdoon ballaaran oo ay bulshada goballada Sool, Sanaag iyo Cayn ku doonayaan in Somaliland isaga baxdo deegaanadooda, kahor inta aysan dagaal uga saarin.

Sidoo kale, Isimmada dhaqanka ayaa ku qulqulaya magaalada Laascaanood, si ay kulan xasaasi ah uga yeeshaan aayahooda, iyo dadka deegaanaddaas helaan xoriyad ay go’aan mideysan ku yeelan karaan.

Guddi waxgarad ah oo loo saaray ‘Aaya ka talista deegaanka’ ayaa maalmo kahor ugu baaqay Somaliland in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo deegaannada SSC.

Kacdoonka Laascaanood ayaa bilowday 26kii bishii December, ee sanadkii tagay, kaddib dilkii AUN Cabdifitaax Hadraawi oo ugu dambeeyay haldoor fara-badan oo uu lahaa gobalka Sool, kuwaas oo si qarsood ah loogu dilay Laascaanood 15kii sano ee maamulka Somaliland heystay magaaladaas.

Ilaa 25 ruux oo kamid ahaa dad dhigayay bannaanbaxyo ka dhan ah dilalka haldoorka iyo in Somaliland baneyso gobalkaas, ayaa ciidammada maamulkaas toogteen asbuucyadii lasoo dhaafay, taas oo sii xoojisay kacdoonka oo la magic-baxay “KACDOONKA BALUUGGA AH”.

Ciidammo fara-badan oo kasoo jeeda deegaanka ayaa buux dhaafiyay gudaha Laascaanood, hareeraha iyo deegaannada ku dhow, kuwaas oo ka warsugaya shir weyne ay isugu imaanayaan 13 isim ee gobalka, oo jaangoyn doona go’aanka iyo tallaabada ay tahay in deegaanka looga saaro maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa wada dadaallo ay dooneyso inay ku dajiso kacdoonka, waxaana guadaha Laascaanood iyo xeryaha ciidan eek u dhow hoyi ka sameystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo kasoo jeeda Sool, xildhibaano iyo wasiiro uu horkacayo Maxamed Axmed Kaahir, oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Xubnaha Somaliland ayaa ilaa hada la’ cid ay wadahadal kala yeeshaan dejinta xaalada Laascaanood, kaddib markii isimmada dhaqanka iyo waxgaradka deegaanku diideen inay la kulmaan.

2007dii, Somaliland ayaa Laascaanood ka qabsatay Puntland, waxaana tan iyo xilligaas magaaladu aheyd xarun ciidan oo Somaliland ay kusoo daabusho ciidammo iyo gaadiid dagaal, kuwaas oo xeryo ciidan ka sameystay hareeraha magaalada. Kacdoonka ay shacabku hormuudka u yihiin ayaana loo arka mid soo afjaraya maalmihii qurxoonaa ee Somaliland iyo inay kusii nagaato gobka Sool.