Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo saakay xiran

1643

Waxaa Maanta xiran wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho,waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo u diidaya inay isticmaalaan Gaadiidka dadka Shacabka ah ay wataan.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah, Isgoyska Banaadir, Tarabuunka qeybo ka mid ah wadad wadnaha iyo wadooyinka kale, waxaana ciidamada u diidayaan inay Gaadiidka isticmaalaan marka laga reebo kuwa ay wataan Madaxda Dowladda.

Dadweynaha doonaya inay tagaan Goobaha ay ka Shaqeeyaan ayaa Maanta lugeynayaan,waxaana dadka qaarkood ay sheegeen inay dhibaato ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka.

Laamaha amniga Soomaaliya weli faah faahin kama bixin sababaha loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho, hayeeshee wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan inay jirto feejignaan amni, kaidb markii Sabtidii todobadkaan weerar qarax ku bilaawday lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqalaha ee Xukuumadda Soomaaliya.