
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ali Yusuf Ali (Xoosh), ayaa hoggaaminaya wafdi sare oo maanta socdaal shaqo ku gaaray dalka Pakistan. Socdaalkan ayaa ah mid lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, laguna gorfeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya ka horreeya doorashooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Inta uu wafdigu joogo Pakistan, waxaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin: aqoonsiga qaranka iyo diiwaangalinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka, dimuqraadiyadda, iyo gargaarka horumarineed. Wafdiga ayaa sidoo kale la filayaa inuu dhiirrigeliyo iskaashiga farsamada iyo taageerada labada dal ee dhinacyada maamulka iyo adeegyada bulshada.
Markii wafdigu soo gaaray caasimadda Islamabad, waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi, Danjire Sheikhnuur Maxamed Xasan.
Socdaalkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah xubno muhiim ah oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan
Maareeyaha Hay’adda NIRA, Cabdiwali Timacadde
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin
Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Cismaan C/laahi Kaniif
Wafdigan ayaa la filayaa inuu xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan, isagoo gacan ka geysanaya dhisidda iskaashi waara, taageeridda nidaamyada doorashooyinka, diiwaangalinta shacabka, iyo horumarinta adeegyada gargaarka.




















