Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaaray Dhuusamareeb+SAWIRRO

1615

Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb Maanta waxaa ay kusoo dhaweeyeen Madax ka socotay Wakiilada Soomaaliya Beesha Caalamka u jooga Magalada muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweyntiisa ka qeyb galay wasiirka amniga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale,waxaana Xubnaha Dhuusamareeb gaaray ka mid ah, Wakiilka Qaramada,Wakiilka Midowga Afrika,IGAD iyo safiirada wadamo dhowr ah u jooga Soomaaliya.

Wufuuda ayaa waxaa la geeyay xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb,waxana lagu soo waramayaa inay halkaasi kulan kula leeyihiin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre & Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.

Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa waxaa ay Dhuusamareeb u tageen Arrimo la xiriira Galmudug maadaama haatan deegaanada Maamulkaas ay ka socdaan qorsho lagu dhisayo Galmudug Cusub oo mideysan,isla markaana ay horboodeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.