Wafdi ka socda dowladda oo gaarey Gaalkacyo +SAWIRRO

2186

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta gaarey wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka laba Aqal Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah odayaal iyo siyaasiin ka soo jeeda deegaanada Galmudug,waxaana Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Gaalkacyo.

Wararka wardoon.net ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedka wafdiga ay u tageen Magaalada Gaalkacyo ay tahay sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo kasoo horjeeda doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka Xaaf iyo wafdiga ka socda dowladda ayaa waxaa looga wada hadlayaa sidii xaaf looga qancin lahaa tabashada uu qabo,isla markaana uu uga qeyb-geli lahaa Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).