Wafdi ka Socodda Dowladda Somaliya oo Soo Gaaray Degaanada Galmudug, Ujeedka Socdaalkooda,

1598

Wafdi Xildhibaano ah oo ka Kooban 9 Xubnood uuna Hugaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka FS Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng Carab} ayaa Goor Dhow soo Gaaray Magaalada Guri-ceel iyagoo usoo Gudbey Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigan ayaa imaatinkoodu Ku soo Beegmayaa Xili Ahlusunna Diidmo ka Muujisay Gudigga Doorashooyinka Galmudug ee Dowladu Magacaadey taasoo Xalinteeda uu Dhuusamareeb u Joogo Wasiirka Arimaha Guddaha XFS “Sabriye”

Waxaana la filayaa in wafdigaan marka ay Dhuusa Mareeb imadaan in ay kulamo la qaadan Doonaan Madaxda Hogaanka Ahlusuna Ee Gobolada Dhexe.